Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maanta oo aad maalin walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Tottenham ayaa doonaysa inay Philippe Coutinho qaab bilaash ah kula saxeexato balse Barcelona ayaa doonaysa 17 Milyan oo pound xilli ay sidoo kale xiisaynayaan Everton iyo Arsenal. (El Nacional)

Newcastle ayaa ku dhaw inay Atletico Madrid kala heshiiso saxeexa daafaca midig ee Kieran Trippier waxaana la xalinayaa qodobadii ugu dambeeyay ee heshiiska. (Athletic)

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Chelsea ayaa doonaysa inay daafaceeda dhexe ee Antonio Rudiger u bandhigto mushahar ka badan dhammaan xiddigaha kooxdeeda si ay ugu qanciso inuu sii joogo. (Football Insider)

Rudiger ayaa doonaya abaalmarin 16 Milyan oo euro ah in lagu siiyo heshiiska bilaashka ah ee uu Chelsea kaga tagayo uguna wareegayo Real Madrid. (ABC)

Tottenham ayaa xiisaynaysa 25 sano jirka garabka weerar ee kooxda Wolves ee Adama Traore. (Fabrizio Romano)

Manchester City ayaa diyaar u ah inay suuqa January iibiso da’yarka garabka weerar ee kooxdeeda ee Jayden Braaf iyadoo ay kooxo dhawri xiisaynayaan xilli qandaraaskiisu dhacayo dhammaadka xilli ciyaareedkan. (Manchester Evening News)

Sunderland ayaa ku dhaw heshiiska garabka Man City ee Patrick Roberts oo haatan amaah ugu maqan kooxda Troyes. (Football Insider)

Norwich ayaa doonaysa inay u dhaqaaqdo saxeexa daafaca midig ee kooxda Sion ee Dimitri Cavare si ay ugu bedesho Max Aarons oo lala xidhiidhinayo inuu kooxda ka baxo. ( Norfolk Live)

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan