Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maanta oo aad maalin walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Arsenal ayaa xiiso u qabta saxiixa 23 jirka Aston Villa iyo xulka Brazil ee Douglas Luiz. (sunday on sunday)

Weeraryahanka Borussia Dortmund iyo Norway Erling Braut Haaland, oo 21 jir ah, ayaa u sheegay taageerayaasha inuu ka ciyaari doono Spain mustaqbalka. (AS)

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Liverpool ayaa la soo saxiixan doonta weeraryahan cusub suuqa January hadii ay timaado fursad maalgashi ciyaartoy oo wakhti dheer ah. (Fabrizio Romano)

Weeraryahanka Paris St-Germain iyo Argentina Mauro Icardi, oo 28 jir ah, ayaa la filayaa inuu heshiis amaah lix bilood ah ugu biiro Juventus , iyaagoo ikhtiyaar u leh inay iibsadaan. (Pedro Almeida)

Newcastle ayaa la xiriirtay Arsenal soo jeedin ay ku amaahinayso weeraryahanka Gabon ee Pierre-Emerick Aubameyang, oo 32 sano jira ah, inta ka dhiman xilli ciyaareedkan. (Sunday Mirror)

Magpies ayaa laga soo xigtay in ka badan 50 milyan ginni ku dooneyso weeraryahanka Benfica iyo Uruguay Darwin Nunez,  oo 22 sano jir ah. (The I).

Saraakiisha Newcastle ayaa ku rajo weyn in heshiiska daafaca dambeedka midig ee Atletico Madrid iyo England Kieran Trippier, oo 31 jir ah, la dhameystiro maalmaha soo socda. (Luke Edwards oo ku jira Twitter-ka)

Everton ayaa loo soo bandhigay kubad sameeyaha Barcelona iyo Brazil Philippe Coutinho, oo 29 jir ah, iyadoo tababare Rafael Benitez uu xiiseynayo inuu kooxdiisa ku daro daafaca midig ee Scotland Nathan Patterson, oo 20 jir ah. (Mail on Sunday)

Garabka Aston Villa iyo Netherlands Anwar El Ghazi, oo 26 jir ah, ayaa bartilmaameed u ah West Ham suuqa January. (FootballInsider)

Napoli ayaa ogolaatay heshiis ay ku keenayso 24 jirka daafaca uga ciyaara Manchester United ee Axel Tuanzebe – oo haatan amaah kula jooga Aston Villa – ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan. (Manchester Evening News)

Leicester ayaa xiiseyneysa saxiixa daafaca Ghana Abdul Mumin, oo 23 jir ah, kana tirsan kooxda Portugal ee Vitoria Guimaraes. (Mail on sunday)

Watford ayaa heshiisyo kula jirta daafaca bidix ee Nice iyo Ivory Coast Hassane Kamara, 27, iyo Eupen iyo DR Congo khadka dhexe Edo Kayembe, oo 23 jir ah, midkiiba 4 milyan ginni. (Athletic)

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan