Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen kasta kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Tababaraha Aston Villa Steven Gerrard ayaa ka fiirsanaya inuu dalab u diro xiddigii hore ee Rangers Gavin Kamara, sida laga soo xigtay TEAMTalk .

Arsenal ayaa diyaar u ah inay dhageysato dalabyada u imaanaya Pierre-Emerick Aubameyang, sida laga soo xigtay ESPN .

Kooxaha Ingariiska ayaa isha ku haya inay lasoo wareegaan daafaca xulka qaranka Mareykanka Waler Zimmerman, sida laga soo xigtay Telegraph .

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Paul Pogba ayaa la filayaa inuu sii joogo Manchester United inkastoo uu shaki ku jiro mustaqbalkiisa. Sida laga soo xigtay ESPN 

Barcelona ayaa ogolaatay heshiis ku kacaya 55 milyan oo euro oo u dhiganta (£47m/€62m) si ay ula soo wareegto garabka Manchester City ee Ferran Torres, sida ay qortay GOAL.

Tottenham ayaa doonaysa in ay la soo wareegto daafac garabka midig ah iyo weeraryahan, sida ay warinayso Athletic , 

Barcelona ayaa qarka u saaran inay soo dhaweyso dalabyada Sergino Dest suuqa Janaayo – sida laga soo xigtay ESPN .

Wakiilka xiddiga kooxda Lille Jonathan David ayaa shaaca ka qaaday in weeraryahanka uu ka tagi doono kooxda 2022 xidigan ayaa lala xiriirinayaa kooxda Arsenal . Radio Canada :

Manchester United iyo Paris Saint-Germain ayaa labaduba isha ku haya ciyaaryahanka khadka dhexe ee Lazio Sergej Milinkovic-Savic – sida laga soo xigtay Nicolo Schira .

West Ham iyo Barcelona ayaa ku loolamaya saxiixa garabka Real Sociedad Adnan Januzaj – sida laga soo xigtay Todofichajes .

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan