Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen kasta kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Roma ayaa rajeyneysa in Tammy Abraham uu ka caawin karo inuu ku qanciyo Ruben Loftus-Cheek inuu yimaado kooxda, sida uu qabo Il Romanista .

Newcastle United ayaa heegan la galiyay iyadoo weeraryahanka reer Holland Wout Weghorst uu ku soo dhawaaday albaabka looga baxo kooxda Wolfsburg – sida laga soo xigtay Kicker .

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa ka soo muuqday raadaarka suuqa kala iibsiga ee Barcelona – sida laga soo xigtay SPORT .

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Juventus ayaa diyaar u ah inay u dhaqaaqdo weeraryahanka Paris Saint-Germain Mauro Icardi, Tuttosport.

Christian Eriksen ayaa la filayaa in si wadajir ah looga joojiyo qandaraaskiisa Inter, Gazzetta dello Sport.

Wayne Rooney ayaa laga yaabaa inuu qabto xilka tababaranimo ee Everton hadii ay kooxdu go’aansato inay iska dirto Rafael Benitez, The Sun.

West Ham ayaa ku raad joogta weeraryahanka New York City FC Valentin Castellanos – sida laga soo xigtay Daily Mail .

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan