Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Manchester United ayaa diyaar u ah inay ku biirto tartanka loogu jiro Daafaca Chelsea ee Antonio Rudiger. Sida laga soo xigtay Sky Deutschland ,

Liverpool ayaa u furan inay iska iibiso Nat Phillips bishaan Janaayo haddii 10 milyan oo ginni ay ku dalbato la buuxiyo, iyadoo West Ham ay isha ku heyso saxiixiisa. Evening Standard 

Barcelona ayaa ka dhigtay gooldhaliyaha Manchester United Edinson Cavani mudnaantooda ugu sareysa suuqa jiilaalka, sida ay sheegtay Sport.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Paulo Dybala ayaa ugu dambeyntii diyaar u yahay inuu qandaraas u kordhiyo Juventus kadib dhoor bilood oo hadal hayay inuu ka tagayo.  Calciomercato 

Chelsea ayaa aad u dooneyso xiddiga Everton ee Lucas Digne ka dib dhaawaca Ben Chilwell iyagoo doonaya inay ku xoojiyaan daafaca bidix. Todo Fichajes

Real Madrid ayaa isha ku haysa inay qoroto agaasimaha ciyaaraha Liverpool Michael Edwards, sida ay ku warameyso Independent .

Ka dib markii ay isku aadeen Paris Saint-Germain wareega 16-ka ee Champions League, Real Madrid ayaa diyaar u ah inay dib u dhigto wadahadalada Kylian Mbappe ee ku aadan u dhaqaaqista Santiago Bernabeu ilaa Bisha March. AS

Sassuolo ayaa diiday €20m iyo €2m oo dheeri ah oo ay Atalanta ku doonaysay Jeremie Boga iyagoo doonaya inay ku helaan 25 milyan euro, GOAL

West Ham United ayaa isha ku haysa xiddiga kooxda NYCFC Valentin ee Castellanos, sida laga soo xigtay Daily Mail.

Newcastle United ayaa la xiriirtay Tottenham si ay ula soo wareegto Dele Alli, sida ay sheegtay TeamTalk .

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan