Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen kasta kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Kylian Mbappe ayaana ka hadli doonin mustaqbalkiisa ilaa marka ay Paris Saint-Germain wajaheyso Real Madrid wareega 16ka Champions League isagoo kulankaasi kadib ka hadlaya mustaqbalkiisa sida ay sheegtay AS .

Waxaa jiray hadal heyn badan oo ku saabsan inuu ka tagayo Barcelona xidiga Frenkie de Jong, laakiin Mundo Deportivo ayaa ku warameysa in dulqaad loo muujin doono xiddiga reer Holland .Mundo Deportivo.

Real Madrid ayaa qorsheyneysa inay u dhaqaaqdo daafaca dambeedka midig ee Inter Denzel Dumfries – sida laga soo xigtay Defensa Central .

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Aston Villa ayaa dalab ka gudbisay daafaca Liverpool Joe Gomez – sida ay ku warameyso Birmingham Live .

Real Madrid ayaa diyaar u ah inay sahamiso suurtogalnimada inay heshiis is-dhaafsi ah la sameyso Sevilla kaasoo faa’iido u leh labada dhinac kuna saabsan Kounde iyo Mariano Diaz sida laga soo xigtay El Nacional ,

Bayern Munich ayaa ka fiireysa inay u dhaqaaqdo xiddiga USMNT Sergino Dest sanadka 2022, sida uu qoray Fichajes .

Barcelona ayaa ku dooneysa inay heshiisyo ku hesho Ferran Torres iyo Edinson Cavani sida ugu dhakhsaha badan ee suurtogalka ah, sida ay warinayso Mundo Deportivo .

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan