Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen kasta kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Daafaca Feyenoord Marcos Senesi ayaa ayaa xiiso ka helaya kooxda West Ham – sida laga soo xigtay 90min .

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Brazil Arthur ayaa qarka u saaran inuu ka tago Juventus bisha Janaayo – sida laga soo xigtay Nicolo Schira .

Xiddiga garabka uga ciyaara Juventus ee Douglas Costa ayaa kala xaajoonaya Sao Paulo saxiixiisa suurtagalnimada ah – sida laga soo xigtay ESPN .

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Everton ayaa isha ku haysa helitaanka ciyaaryahanka khadka dhexe ee Newcastle Sean Longstaff, sidaas waxaa qortay The inews.

Roma ayaa diyaar u ah inay u dhaqaaqdo ciyaaryahanka khadka dhexe ee Hoffenheim Florian Grillitsch bisha Janaayo, sida laga soo xigtay Calciomercato .

Napoli ayaa xaqiijisay inay heshiis la gaartay daafaca Giriiga ee Konstantinos Manolas si ay uga iibiso Olympiacos bisha Janaayo. NapoliFc

Barcelona ayaa laga yaabaa inay u weecanto Alexis Sanchez si uu gacan uga geysto buuxinta booska uu baneeyay Sergio Aguero oo ka fariistay ciyaaraha, GOAL

Tababaraha kooxda Lazio ee Maurizio Sarri ayaa diyaar u ah in kooxdiisii ​​hore ee Chelsea uu afar ciyaartoy ka soo qaato bisha January, sidaas waxaa wariyay Il Massaggero .

Da’yarka Manchester United Anthony Elanga ayaa qarka u saaran inuu saxiixo heshiis cusub, sida ay ku warameyso Manchester Evening News.

Tababaraha kooxda Barcelona Xavi ayaan haatan xiiso u qabin saxiixa Alexis Sanchez, iyadoo bartilmaameedyada uu doorbidayo ay ka mid yihiin Ferran Torres iyo Edinson Cavani. Marca

Barcelona iyo Juventus ayaa isku diyaarinaya in ay ku dagaalamaan saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Paris Saint-Germain ee Ander Herrea. sida laga soo xigtay Fichajes

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan