Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Weeraryahanka Lens Florian Sotoca ayaa saxiixay qandaraas cusub oo ku sii hayn doona kooxda Ligue 1 ilaa 2024. Lensfc

Paris Saint-Germain ayaa isku dayaysa inay Vinicius Junior u soo wareejiso caasimadda Faransiiska, El Nacional

AC Milan ayaa isha ku haysa inay Sven Botman kala soo wareegto Lille bisha Janaayo, sida ay shaacisay Calciomercato .

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Iyadoo su’aalo la iska weydiinayo ilaa inta Kingsley Coman uu ku sii sugnaan doono Bayern Munich, Christian Falk ayaa ku warameysa in kooxda Jarmalka ay ka fikireyso soo xerogalinta Ousmane Dembele. Christian Falk

Manchester City ayaa kula biirtay Real Madrid tartanka loogu jiro ciyaaryahanka khadka dhexe ee Leicester Youri Tielemans. Sida laga soo xigtay Fichajes 

Dele Alli ayaa loo fasaxay inuu ka tago Tottenham inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga bisha Janaayo, sida ay sheegtay The Telegraph .

Juventus ayaa ka fiirsaneysa inay amaah ugu dhaqaaqdo weeraryahanka Paris Saint-Germain Mauro Icardi – sida laga soo xigtay Corriere dello Sport .

Milan iyo Atalanta ayaa labaduba isha ku haya saxiixa weeraryahanka Liverpool Divock Origi – sida laga soo xigtay Tuttomercatoweb.

Manchester United iyo Barcelona ayaa isha ku haya garabka Villarreal Arnaut Danjuma – sida laga soo xigtay Todofichajes .

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan