Kooxaha Chelsea iyo Manchester City ayaa ku sii dhawaanaya inay ku heshiiyaan heshiiska Raheem Sterling .

City ayaa raadineysay 45 milyan ginni si ay u iibiso xiddiga heerka caalami ee dalka England, Chelsea ayaana haatan ku dhow inay la kulanto qiimeynta, sida ay warineyso Daily Mail .

Sterling ayaa heshiis afar sano ah la gaaray kooxda reer London.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa durba wadahadal wanaagsan la yeeshay tababaraha Chelsea Thomas Tuchel oo ku saabsan sida looga faa’iideysan doono Stamford Bridge.

Waxay noqondoontaa calaamad wanaagsan soo laabashada Sterling, kaasoo ku dhashay kuna koray London. Kooxdiisii ​​ugu horeysay waxay ahayd QPR.

Wararka kale ee ku dhaafay


Source: dalkaan