Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa shaacisay in gebi ahaanba meesha laga saaray isku-aadkii wareegga 16ka Champions League, kaas oo dib loogu celinayo dhamaantiiba kaddib markii uu qalad weyn ka dhacay qaabkii loo sameeyey isku-aadka.

Manchester United iyo PSG ayaa u muuqday in si badheedh ah la iskugu aaddiyey markii uu Giorgio Marchetti kala leexiyey Manchester United iyo Atletico Madrid oo nasiibku isku beegay laakiin sida ka muuqatay hadalkii uu fagaaraha ka yidhi moodayey in Man United mar hore koox lagu beegay.

UEFA ayaa shir deg-deg ah ka yeelatay arrintan, waxaanay go’aamisay in meesha laga saaro dhamaan isku-aadka 16ka kooxood, dibna loogu wada noqdo

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Manchester United ayaa dalbanaysay in UEFA ay arrinta dib u eegto, hase yeeshee cidina ma filayn in gebi ahaanba la kansalayo isku-aadkii la sameeyey oo ay kooxaha qaarkood ku farxeen naadiyada ay la ciyaarayaan, hase yeeshee ay hadda suurtogal tahay inay naadiyo kasii adag ku dhacaan.

UEFA ayaa qoraal degdeg ah oo ay soo saartay waxay ku sheegtay in gebi ahaanba dib loogu noqonayo isku-aadka oo mar dhow dib loo bilaabi doono xafladdii lagu kala dareeray.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan