Facebook

Advertisement

Garowe (Dalkaan.com) – Xildhibaanadii xasaanadda laga qaaday ee Puntland ayaa kasoo horjeestay in kiiskooda ay qaado maxkamadda sare isla markaana la eego hadii ay sharci tahay wadada loo maray in xasaanadda laga qaado.

Shalay ayey aheyd markii maxkamadda sare ee Puntland ay wakhti u qabatay dhageysiga dacwadda la xiriirta xildhibaanadaan, waxaana loo asteeyay 10-ka Diseembar oo ku beegan Khamiista, hase yeeshee xildhibaanada wey beeniyeen iney u dacwoodeen maxkamadda sare.

Xildhibaanada waxey sheegeen ineysan jirin wax dacwad ah oo ay u gudbiyeen maxkamadda sare, taa badalkeedana aysan helin wax waraaqo ah oo kiiskaan ku saabsan kana soo baxay maxkamadda sare ee Puntland.

Xildhibaanada oo qaarkood ku kulmay magaalada Garowe ayaa dafiray iney ku sifoobeen waxyaabaha lagu eedeeyay.

Si kastaba xildhibaanada xasaanadda laga qaaday kuma kalsoona cadaalad falka maxkamadda sare maadaama ay sii hayaha gudoomiyaha maxkamadda sare ee Puntland u arkaan mid aan dhex-dhexaad noqon karin.

Facebook

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here