Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa heshay kooxdii ugu adkayd ee ay ku dhici lahayd wareegga isreeb-reebka ah ee tartanka Europa League oo ay ka ciyaarayso markii ugu horreysay intii uu tartanku magacan qaatay, kaas oo ay ugu dambaysay waqtigii la odhan jiray UEFA Cup.
Barcelona oo ku hadhay wareegga groupyada Champions League oo ay kaalinta saddexaad u gashay Bayern Munich iyo Benfica oo ay isku hormo ahaayeen, ayaa waajidi doonta kooxda horyaalka Talyaaniga ee Napoli oo ay sannadihii ugu dambeeyey dhawr jeer wada ciyaareen Champions League.
Borussia Dortmund ayaa imtixaan ku mari doonta garoonka qaylada, sawaxanka iyo xamaasadda badan ee Ibrox Stadium marka ay ugu tagto Rangers oo ay isku dhaceen.
Wararka Kale ee Xiisaha Badan
Rangers iyo Borussia Dortmund ayaa ku kulmay wareegga saddexaad ee UEFA Cup xilli ciyaareedkii 1999-2000, waxaana waqtigaas rikoodheyaal kusoo gudubtay kooxda reer Germany. Intaas kaddib Rangers ayaa laba jeer ka badisay, mar barbarro gashay, shan jeerna laga badiyey.
16ka kooxood ee loo sameeyey isku-aadkan ayaa ah kooxihii kasoo dhacay Champions League ee kaalmaha saddexaad ka galay Group-yadooda, waxaana uu sharciga cusub ee UEFA dhigayaa, in siddeedda soo gudubta ay kusoo biiraan siddeed kooxood oo kale oo kaalmaha koowaad kaga soo gudbay group-yadooda tartankan.
Waqtiga la ciyaarayo wareegga 16ka Europa League
Lugta koowaad: February 17, 2022
Lugta labaad: February 24, 2022
Isku-aadka Europa League
Sevilla v Dinamo Zagreb
Atalanta v Olympiakos
RB Leipzig v Real Sociedad
Barcelona v Napoli
Zenit St Petersburg v Real Betis
Borussia Dortmund v Rangers
Sheriff Tiraspol v Braga
Porto v Lazio
Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda
Source: dalkaan