Barcelona ayaa xaqiijisay inay heshiis la gaartay weeraryahanka reer Spain Ferran Torres ee kooxda Manchester City.

21-sano jirkaan ayaa u dhaqaaqi doona Camp Nou suuqa Janaayo, waxaana uu ogolaaday inuu saxiixo qandaraas shan sano ah ilaa June 2027, kaasoo ay ku jiraan €1bn (£ 842m) oo lagu burburin karo qandaraaskiisa.

Barca ayaa la rumeysan yahay inay ogolaatay €55m oo u dhiganta (£46.3m) si ay Torres kula soo wareegto €10m (£8.4m) oo dheeri ah, weeraryahanka ayaana noqonaya saxiixii ugu horreeyay tan iyo markii la magacaabay tababare Xavi .

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

War qoraal ah oo ka soo Barcelona oo lasoo dhigay website-keeda rasmiga ayaa lagu yiri: “FC Barcelona waxay heshiis la gashay Manchester City oo ku aadan saxiixa Ferran Torres.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan