Barcelona ayaa dhamaystirtay saxiixa Adama Traore oo ay amaah kaga soo qaadatay Wolverhampton Wanderers ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Xiddiga garabka ka ciyaara ayaa soo maray akadeemiyada caanka ah ee Barca ee La Masia, laakiin waxa uu u saftay afar kulan oo kaliya ka hor inta uusan ka tigin.

Traore ayaa sidoo kale waqti ku qaatay Middlesbrough ka hor inta uusan ku biirin Wolves, kaasoo uu u saftay 154 kulan tartamada oo dhan tan iyo 2018.

26 jirka reer Spain ayaa haatan inta ka dhiman xilli ciyaareedkan amaah ku qaadan doona kooxda Barcelona, ​​kuwaas oo sidoo kale la fahamsan yahay in ay ku darsadeen dookh ay ugu dhaqaaqi karaan 30 milyan oo euro (£25m) dhamaadka ololahan.

“Adama mar walba waxa uu u dhaqmi jiray si karti leh, si kastaba ha ahaatee ma ahan wax qarsoodi ah in aanaan awoodin in aan heshiis cusub la galno, inkastoo wada xaajoodyo daba dheeraaday, rabitaankiisa xilligan waa inuu kubad ka ciyaaro meelo kale,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay. Agaasimaha farsamada ee Wolves Scott Sellars .

“Qof walba waa ogyahay in Barcelona ay tahay magaalo, iyo koox aad ugu dhow qalbiga Adama, sidaas darteed waxay u tahay riyo u dhaqaaqistiisa.

“Waxaan u rajeyneynaa Adama nasiibka ugu wanaagsan Spain, waxaana rajeyneynaa inuu si joogto ah u ciyaaro, uu leeyahay guulo waa weyn, qof walbana uu tuso waxa uu awoodo”.

Traore, oo sidoo kale lala xiriirinayay Tottenham Hotspur, ayaa laga yaabaa inuu kulankiisii ​​​​labaad ee Barcelona u safto Atletico Madrid 6-da Febraayo.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore


Source: dalkaan