Paris Saint-Germain ayaa lagu soo waramayaa inay kalsooni badan ku qabto inay Kylian Mbappe sii haysato wax ka badan dhamaadka qandaraaskiisa haatan ee June.

23 jirkaan ayaa ku jira lixdii bilood ee ugu dambeysay heshiiskiisa Parc des Princes, sida ay wax u socdaan, wuxuu noqon doonaa mid ka mid ah suuqa kala iibsiga xorta ah ee ugu qiimaha badan taariikhda kubada cagta dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Real Madrid ayaa xiiso wakhti dheer ah u qabta Mbappe waxana ay wali ku rajo weyn tahay in ay keento Bernabeu xagaagan

Si kastaba ha ahaatee, ESPN ayaa sheeganeysa in PSG ay wadahadalo wanaagsan la yeelatay xiddiga heerka caalami ee dalka France.

Hogaamiyeyaasha Ligue 1 ayaa lagu soo waramayaa inay doonayaan inay Mbappe ka dhigaan dakhligooda ugu sarreeya iyagoo ka sarraysiiyay kan  Lionel Messi iyo Neymar , waxayna si weyn u ogolaan karaan inuu saxiixo heshiis laba sano ah halkii uu uga  kordhin lahaa muddo dheer.

PSG ayaa sidoo kale ku rajo weyn in ay Zinedine Zidane u magacawdo tababare ka hor bilowga xilli ciyaareedka soo socda, Mbappe ayaa hore u sheegay in uu yahay shaqsiga ay isku dalka yihiin.

Hadaba Weeraryahanka ayaa markale qaab ciyaareed fiican soo bandhigay xilli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay 19 gool isaga oo abuuray 15 kale 27 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore


Source: dalkaan