Erling Braut Haaland ayaa lagu soo waramayaa in uu aad ugu baahan yahay in uu ku biiro kooxda Barcelona xagaagan waxana uu kooxda reer Catalonia siin doonaa fursad kasta oo ay ku soo xero galiso lacagta looga baahan yahay si ay ula soo saxiixato ka hor xilli ciyaareedka dambe.

21-sano jirkaan ayaa si weyn loo filayaa inuu ka tago Borussia Dortmund inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan, markaasoo 63 milyan ginni lagu burburin karo qandaraaskiisa.

Inkastoo kooxaha Premier League ay xiiseynayaan sida Manchester City , Manchester United iyo Chelsea , Real Madrid ayaa la rumeysan yahay inay tahay kooxda ugu cadcad xiddiga heerka caalami ee dalka Norway, kaasoo lagu Xamanayo inuu damacsanaa inuu u dhaqaaqo Bernabeu.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay Daily Star , Haaland waxaa ka go’an inuu u wareego Barcelona, ​​waxaana uu dib u dhigi doonaa go’aanka mustaqbalkiisa isagoo rajaynaya in kooxda Catalan ay u ururiso dhaqaalaha ay kula soo saxiixan karto.

Warbixinta ayaa sheegeysa in kooxda Xavi , oo weli heysata dhibaatooyin dhaqaale oo weyn, ay u baahan yihiin inay soo ururiyaan 300 milyan ginni si ay u helaan weeraryahanka, oo ay ku jiraan lacagaha wakiillada iyo mushaarkiisa oo qandaraas waqti dheer ah.

Haaland waxa uu dhaliyay 23 gool waxana loo diwangeliyay lix caawin 20 kulan oo uu u saftay BVB xilli ciyaareedkan, halka uu 80 jeer shabaqa soo taabtay 21 kalena caawiyey 79 kulan oo uu u saftay kooxda Jarmalka tan iyo markii uu yimid January 2020.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore


Source: dalkaan