Manchester City xidigeeda Ferran Torres ayaa lagu soo waramayaa in uu caafimaadka u Marayo Barcelona maanta oo Khamiis ah ka hor suuqq kala iibsiga ee January.

Citizens ayaa la rumeysan yahay inay heshiis la gaartay kooxda reer Catalonia si ay ugu iibiso 21 jirkaan 55 milyan oo euro oo u dhiganta (£47.6m) oo ay ku kordhineyso €10m (£8.5m) oo dheeri ah.

Sida laga soo xigtay saxafiga Fabrizio Romano , Barca iyo wakiilka Torres ayaa qabanqaabinaya in ciyaaryahanka uu yimaado Catalonia 24-ka saac ee soo socda, ka hor inta uusan marin qeybta koowaad ee tijaabada caafimaad oo uusan saxiixin qandaraaskiisa.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Wararka ayaa intaa ku daraya in labada kooxood ee Barcelona iyo Man City ay ka shaqaynayaan bayaan rasmi ah oo ay labada kooxood ku shaaciyaan heshiiska.

Torres, oo la rumeysan yahay inuu yahay bartilmaameedka koowaad ee Xavi ka hor suuqa kala iibsiga ee Janaayo, ayaa la filayaa inuu u saxiixo heshiis shan sanno ah kooxda La Liga ka dhisan.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan