Shirkada Yash Raj Films (YRF) waxaa lagu soo waramaa inay heshiis la gaareen xidiga door kasto sameyn karo Emraan Hashmi si uu laadar awood badan kaga noqdo filimada taxanaha ah Tiger qaybtiisa sedexaad Tiger 3 ee Megastar Salman Khan hogaamiye ka yahay sidoo kalena Katrina Kaif marwalbo iyadaa doorkeeda adag qaadato.

Advertisement

Tiger 3 duubistiisa waxay magaalada Mumbai ka bilaaban doontaa bisha Maarso ee nagu soo fool leh wuxuuna jadwalkan socon doonaa mudo 45-cisho sidaa darteed Emraan Hashmi ayaa aqbalay inuu laadar awood badan ka noqdo Tiger 3 si gaar ahna ula xifaaltamo Salman Khan waxaana la ogaaday in marar kala duwan gacanta isku kali doonaan Salman iyo Emraan waana muuqaalada filimkan loo daawan doono.

Salman Khan wuxuu rabay Emraan Hashmi inuu la sameeyo filimkii Race 3 ee 2018 la daawaday balse ma aysan suurta galin wuxuuna siiyay Bobby Deol booskii uu ugu tala galay, balse haatan ayay nasiib isku yeelan doonaan inay Tiger 3 kasoo wada muuqdaan kadib markii Emraan uu ka helay doorka adag ee filimkan looga soo bandhigay.

Director Maneesh Sharma ayaa sheegay in Tiger 3 si caalami ah loo sameenayo filimkan wuxuu xambaarsan yahay miisaaniyad sare u dhaafeyso 350 Crore ($48m) sidoo kalena waxaa la qorsheenaa magaalada Istanbul iyo qaar kale magaalooyinka Yurub ugu caansan in filimkan lagu duubo xagaaga nagu soo fool leh markii ay xaalada karoonaha soo hagaagto.

Qorshaha wuxuu yahay Tiger 3 in la daawado sanadka dambe gaar ahaan Eid 2022 ama Christmas 2022 waxayna Salman Khan iyo Katrina Kaif amba qaadi doonaan doorarkoodii sirdoonka ee dalkooda ku caawiyeen labadii qeybood ee aan taxanaha Tiger ka daawanay markaana Tiger 3 Emraan Hashmi ayaa kula soo biiray oo hadal heynta iyo xiisaha mashruucan siweyn sare ugu qaaday.

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here