Wakiilka Romelu Lukaku ayaa sheegay in weeraryahanka Chelsea uu ku laaban doono Serie A ka hor dhamaadka xirfadiisa ciyaareed.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Belgium ayaa u matalay Inter Milan intii u dhaxeysay Ogosto 2019 iyo Ogosto 2021, isagoo dhaliyay 64 gool, waxaana loo diiwaan geliyay 16 caawin 95 kulan oo uu u saftay kooxda heysata horyaalka Talyaaniga tartamada oo dhan.

Lukaku ayaa dib ugu soo laabtay kooxda chelsea intii lagu jiray suuqii dhawaa isaga oo heshiis rikoorka ah u saxiixay kooxda chelsea laakiin waxa ku adkaatay in uu qaab ciyaareedkiisa ugu fiican u soo bandhigo Blues isaga oo kaliya 3 jeer shabaqa soo taabtay 11 kulan oo uu saftay horyaalka premier League.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

28-sano jirkaan ayaa in ka badan afar sano ay uga harsan tahay qandaraaskiisa Stamford Bridge, laakiin wakiilkiisa Federico Pastorello ayaa sheegay in weeraryahanka uu durba ka fekerayo ku laabashada Serie A.

Lukaku wax gool ah kama dhalin horyaalka Premier League tan iyo markii uu labo gool ka dhaliyay Aston Villa 11-kii Sebtember, inkastoo uu dhawaanahan ku maqnaa murgacasho dhaawac canqowga ah.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan