Mino Raiola ayaa xaqiijiyay in Matthijs de Ligt uu aad u doonayo in uu isaga tago kooxda Juventus uuna raadsado tartan cusub xagaaga dambe.

Si kastaba ha ahaatee, Juve ayaa ku dhibtooneysa Xili ciyaareedkan, iyagoo seegay horyaalka Seria A markii ugu horeysay tan iyo 2010-11 xilli ciyaareedkii hore, waxaana ay haatan ku jiraan kaalinta 7aad ee kala sareynta xilli ciyaareedkan.

Wakiilka De Ligt ayaa hadda xaqiijiyay in 22-sano jirkaan uu diyaar u yahay tallaabo cusub, wuxuuna daaha ka qaaday in u wareegidda Premier League uu noqon karo ajandaha cusub.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Kooxaha sida Chelsea , Manchester City , Manchester United iyo Tottenham Hotspur ayaa hore loogu tiriyaa inay xiiseynayaan De Ligt, laakiin Raiola ayaa sidoo kale xaqiijiyay in Barcelona , Real Madrid iyo Paris Saint-Germain ay u badan tahay inay sidoo kale tartanka ku jiraan.

“Waxaan u maleynayaa inaan dhamaanteen ognahay kooxaha lagu xuso Matthijs de Ligt ‘tallaabada xigta’. Waan arki doonaa xagaagan,” Raiola ayaa u sheegay NOS .

“Premier League? Haa sidoo kale Barcelona sidoo kale, ama Real Madrid ama Paris Saint-Germain.”

Chelsea ayaa loo maleynayaa inay ka mid tahay kooxaha aadka u xiiseynaya kabtankii hore ee Ajax, iyadoo daafacyada haatan ee Antonio Rudiger , Andreas Christensen iyo Cesar Azpilicueta ay dhamaantood ku dhow yihiin lixdii bilood ee ugu dambeysay qandaraaskooda Stamford Bridge.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan