Daafaca dhexe ee Chelsea Andreas Christensen ayaa lagu Xamanayaa inuu soo afjaray wadahadalo qandaraas kordhin ah oo uu ku joogayo Stamford Bridge, iyadoo lagu soo waramayo inay xiiseyneyso Barcelona .

25-sano jirkaan ayaa qandaraaskiisa haatan waxaa uga harsan kaliya lix bilood, waxaana uu halis ugu jiraa inuu si bilaash ah uga tago kooxda xagaaga soo aadan.

Sida laga soo xigtay Sport , Christensen ayaa u sheegay Chelsea inuu go’aan ka gaari doono mustaqbalkiisa bisha Janaayo isagoo ka fiirsanaya inuu u wareego Camp Nou.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Christensen, oo siddeedii sano iyo bar ee ugu dambeeyay la qaatay Chelsea, ayaa sidoo kale waxaa si dhow isha ugu haya seddexda kooxood ee Premier League ee Manchester City , Manchester United iyo Tottenham Hotspur , iyo sidoo kale kooxaha Yurub ee Juve, AC Milan iyo Bayern Munich .

Daafaca dhexe ayaa guud ahaan Blues u saftay 145 kulan tartamada oo dhan isaga oo kula guulaystay 4 koob oo ay ku jirto xilli ciyaareedkii hore ee champions League.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan