Facebook

Advertisement

Muqdisho (Dalkaan.com) – Madaxweynihii hore ee dmaamulka HirShabelle, Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa fasiraad ka bixiyey kulankii golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ee looga hadlay xaaladda adag ee Soomaaliya & doorashooyinka.

Waare ayaa shaaca ka qaaday inuu daawaday kulankaasi iyo nuxurka khudbadihii laga jeediyey, wuxuuna sheegay inuu ka fahmay fariin ku socota madaxda Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in madaxda Soomaaliyeed si gaar ah loola hadlay, islamarkaana ay muhiim tahay inay fahmaan sida ay tahay in loo wajo xaaladda adag.

“Waxaan fiirsaday shirkii UN Security Council ee arrimaha Soomaaliya. Soomaaliya madaxdeeda waa lala hadlay. wax nin rag la yiraa waxaa ugu liita in la yiraahdo xaaskaada iyo ilmahaadu waa dan-dareysan yihiin, mana fiirsan karnee saan u dhaan,” ayuu yiri madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka HirShabelle oo qoraal soo saaray.

Ugu dambeyn wuxuu ku baaqay in loo wada istaago muxaafad & mucaarad, bad-baadinta dalka iyo dowladnimada, si xal looga gaaro khilaafka ka jira dalka.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyada ergayga QM ee Soomaalida uu khudbad dheer ee uu kaga hadlay xaaladda dalka ka jeediyey kulanka golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, wuxuuna shaaca ka qaaday in haatan Soomaaliya ay ku socoto wado halis ah.

Facebook

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here