Garsooreyaasha Soomaaliya ayaa hal mar fasax wada gala bisha December ee sanad walba, waxaana hawlgab noqda garsoorka dalka, iyada oo maxkamaduhu ay shaqada joojiyaan, meeshana ka saarta adeeggii shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan 2 milyan oo ku sugan caasimadda Muqdisho, waxaana arrinkaas niyadjab ka muujiyey dadkii nala hadlay!

Arrintan ah in dal dhan garsoorkiisa aanu shaqeyn, waa mid ku kooban uun Soomaaliya oo caalamka kama jirto, waxaana fasaxa jideeyey sharci L. 34 ee soo baxay 22-09-1974-tii.

Sharcigan qodobkiisa 32-aad oo ka hadlaya sanadka Garsoorka ayaa u qoran sidan:

(1). Sanadka Garsoorka waxaa uu bilaabanayaa maalmaha hore ee bisha Janaayo.

(2). Furitaanka shirka Garsoorka waxaa lagu qabanayaa magaalo madaxda dalka.

(3). Sanadka Garsoorka waxaa uu yeelan doonaa joojin hal bil oo ah 1da bisha December, muddadana waxay xafiisyada u furnaan doonaan oo keliya wixii hawlo oo degdeg ah.

 (4). Fasaxa caadiga ah ee garsooreyaasha iyo gar-yaqaannada waxaa la bixinayaa muddadaa shaqada joogsatay oo keliya

(5). Madaxda xafiisyada waa in ay mar kasta xaqiiqsadaan fulinta.

Haddaba, sida sharacigaas oo ilaa hadda lagu dhaqmo uu qabo, garsoorka dalka waa fasax bisha December ee sanad walba, weliba waxaa in fasaxaas la galo difaacaya, oo aan wax ka badal ogoleyn dhammaan garsooreyaasha dalka jooga iyo hey’adaha garsoorka.

Xeerkan dartii, in ka badan 60 garsoore oo ka shaqeynayey maxkamadaha caasimadda Muqdishi ku yaallay sida maxkamadda sare, midda racfaanta, gobolka iyo degmooyinka ayaa hal mar fasax galay, waxaana istaagay dacwadihii socday, iyada oo la reebay uun sida dadka qaar ii sheegeen saddex garsoore oo gobolka iyo ha lama labo degmo, oo furan xilliyo lama huraan ah.

Baaris iyo xiriirro badan oo aan sameeyey waxaan ku ogaaday in sharcigan uu maanta garsoorka dalka fasaxa ku galay la qoray 1974-tii, laakin laga soo miinguuriyey xeer kale oo la dhaho xeerka nidaamka Garsoorkae ee 1962-dii xilligaas oo garsooreyaasha ay ahaayeen Talyaani, si ay waqtig ula qaataan qoysaskooda, dalkoodiina ay dib ugu laabtaan ayey meelmarsadeen fasaxa bisha December, waxaase nasiib darro ah in xataa markii uu garsoorka Soomaaliyoobey aan wax ka badal lagu sameyn, oo ilaa hadda lagu dhaqmo xeer ay shaqaale ajaanib ah qorteen.

Avv Yuusuf Cabdi Faarax oo hadda ku sugan Australia waxaa uu ii sheegay in dalkaasi uu joogo iyo dunida kalaba aanu ku arkin garsoor bil dhan fasax ah, midka Soomaaliyana loo baahnaa in mar hore wax ka badal lagu sameeyo, si dadka loogu adeego.

 Abuukaate Cabdiwaaxid Cabdullaahi Warsame oo jooga Mareykanka ayaa waxaa uu qabaa in sharcigan oo baaliyoobey, macquulna aheyn in lagu dhaqmo isaga oo yiri “Fasaxa ay Qudaada runtii wax ku haboon ma aha socodsiinta dacwooyinka, waa dhici kartaa in garsoore la fasaxo, waxaana dacwooyinkiisa lagu xawilaa mid kale oo sii wada, hannaanka cadliga waxaa weeyey in dadka ka shaqeeya ay heegan yihiin waqti walba, lana heli karo, waayo waxaa jiri kara xaalado adag oo dhib keeni kara ama qarash qofka ku socodsiin kara.

“Sharcigaas dabcan sharci isticmaarbuu ahaa, waxay aheyd dad Ajnabi ama Talyaani dalkooda u noqonayey fasax ay helaan, in hadda dib u eegis lagu sameeyo ayaa fiican”.ayuu hadalkiisa kusoo afjaray Abuukaate Cabdiwaaxid Cabdullaahi Warsame.

Dooddeyda ugu weyn ma aha in garsooraha aan la fasaxin, mana ka hadlayo, ee waa:

(1). In  horta sharacigan uu gumeystaha qoray iyo dhammaan sharciyada la midka ah wax laga badalo,

(2). In fasaxa bisha ahna, halkii 60-ka garsoore iyo ka badan oo labo milyan dad ah oo caasimadda Muqdisho ku nool u adeega ay hal mar wada fasaxi lahaa, albaabadana la isugu dhufan lahaa maxkamadaha, in loo qeybiyo fasaxa garsooreyaasha dhammaan bilaha sanadkan, marka qaar maqan yihiin kuwa kale ay sii shaqeeyaan, lana xirin maxkamadaha iyo guud ahaan garsoorka.

(3). In Fasaxa garsooraha aan la dareemin oo uu la mid noqdo shaqaalaha kale ee dowladda iyo kuwa gaar ah.

Ugu dambeyntii, fasaxa garsooraha ee bisha December waxaa ay saameyn weyn ku leedahay xeer ilaalintii iyo xataa difaacii, iyada oo ay joogsaneyso dacwadihii, meeshana ku baxeyso waqti iyo qarash, waxaa intaa dheer iyada oo sharaciga ay ku dayan karaa muhnadleyaasha kale sida dhakhaatiirta, saxafiyiinta iyo qaar kale oo koox weliba haddii ay bil shaqada joojiso fowdo noqoneyso, abuuri kartana fowdo shaqo, sidaa darteed waa in 2022-ka laga shaqeeyo in wax ka badal lagu sameeyo xeerka nidaamka garsoorka ee 1962-da iyo sharaci L.34 ee 74-ta.

W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye


Source: dalkaan.com