Atariishada Priyanka Chopra waxay horay guulo waaweyn uga gaartay shirkada Bollywoodka haatana waxay u baqooshay dhanka Hollywoodka si ay magac ugu sameysato halkaas.

Wareysi ay dhawaan bixisay Priyanka ayaa waxay ku sheegtay in marar badan horay loo cunsuriyay mudadii ay ku sugneyd mareykanka ayadoona lagu liiday midabkeeda maariinka ah, gaar ahaan xiligii ay dhigan jirtay Schoolka sare ee Newton ee Massachusetts kaasoo Mareykanka ku yaalo.

Advertisement

Priyanka ayaana waxay tiri; “Arintaas raad xun ayay igu reebtay, sidoo kale kalsoonideyda iyo waxaan doonayay inaan noqdo ayay raad xun ku reebtay, waxaan dareemay sidii inaan qaawanahay markii midabkaaga maariin yahay”.

Priyanka ayaana ka sheekeysay xaaladii adkeyd ay kusoo qaadatay cunsuriyadii lagula kacay ayadoona sidoo kale sheegtay in inta badan caruurta dhexdooda ku badantahay, balse sidoo kalana dadka waaweyn aysan ka marneyn ilaa maantadaan la joogana arinkaas taagantahay.

Dhanka shaqada Priyanka filimkii ugu dambeeyay ee ay kasoo muuqato wuxuu ahaa filimka The White Tiger oo ay maalgaliye ka aheyd, haatana mashruuceedii ugu horeeyay ayay alifaad kuwadaa.

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here