Waxaa si rasmi ah loo soo bandhigay 10-ka shaqsi ee Hindiya ugu caansan daqliga ugu badan dhanka xayeysiimaha ka heleen sanadkii hore 2020. Waxaana xusid mudan in 9-qof ka mid ah yihiin jilaayaal ka tirsan Bollywood sidoo kalena 2-atirisho ayaa liiskan soo galeen waxaana hogaaminayo ciyaaryahanka Cricket-ka cayaaro Virat Kohli oo ay u dhaxdo atirishada caanka ah Anushka Sharma.

Advertisement

Virat Kohli daqliga xayeysiimaha soo galeen iyo qiimaha ay ku fadhiyaan waxaa lagu sheegay inay yihiin $237.70m. Superstar Akshay Kumar waa jilaaga daqliga ugu badan xayeysiimaha ka kasban iyo qiimaha ay ku fadhiyaan waxaa lagu sheegay inay gaareyso $118.90m sidoo kalena 13.8% ay qiimaha xayeysiimaha uu sameeyo sare u kaceen 12-bilood ugu dambeeyeen.

Deepika Padukone daqliga xayeysiimaha kasoo galay 2020 iyo qiimahooda waxaa lagu sheegay inuu yahay $50.40m waana atirishada daqliga ugu badan dhanka xayeysiimaha ka sameesay 12-bilood ugu dambeesay.

Fadlan hoos kaga bogo 10-ka shaqsi ee Hindiya ugu caansan daqliga ugu badan dhanka xayeysiimaha ka kasbadeen iyo qiimahooda sanadkii aan kasoo gudubnay 2020 sida haatan shaaca laga qaaday:

1. Virat Kohli ($237.70m)

2. Akshay Kumar ($118.90m)

3. Ranveer Singh ($102.90m)

4. Shah Rukh Khan ($51.10m)

5. Deepika Padukone ($50.40m)

6. Alia Bhatt ($48m)

7. Ayushmann Khurrana ($48m)

8. Salman Khan ($45m)

9. Amitabh Bachchan ($44.20m)

10. Hrithik Roshan ($39.40m)

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here