Horaantii todobaadkan ama 24-kii bishan ayuu atooraha caanka ah Varun Dhawan si rasmi ah u guursaday gabadha uu mudada dheer jeclaa ee lagu magacaabo Natasha Dalal sidoo kalena wax isla soo barteen wuxuuna arooskooda ka dhacay Alibaug ee Koonfurta Mumbai ku yaalo waana deegeen xeebeed loo dalxiis tago waxaana arooskan lagu casuumay 40 ilaa 50-qof oo qoysaska labada dhinac ka socdeen iyo marti kooban fanka Hindiya ku saaxiibeen Varun.

Advertisement

Balse Varun Dhawan iyo xaaskiisa Natasha Dalal oo haatan Mumbai bartamheeda dib ugu soo laabteen waxay shaaca ka qaadeen saaxiibada ay Bollywood-ka ku leeyihiin inay u dhigi doonaan xaflad heer sare ah lana qaban doono bisha Febraayo ee nagu soo fool leh.

Sidoo kale waxaa jiraan sawiro lasoo bandhigay oo ku aadan in Varun iyo Natasha sanadkii hore bishii Febraayo 2020 inay xaflad meher ah dhigteen laakiin Varun ayaa sheekadan beeniyay wuxuuna sheegay in xafladaas loo dhigay Natasha aabaheed dhalashadiisa balse guurkooda todobaadkan uu dhacay wuxuuna atoorahan u mahad celiyay dhamaan jilaayaasha Bollywood-ka iyo taageerayaasha kala duwan uu daafaha caalamka ku leeyahay oo guurkiisa ugu hambalyeeyeen.

Varun Dhawan dhanka shaqada wuxuu dhawaan dib u amba qaai doonaa duubista filimkiisa Jug Jug Jeeyo oo ay la jilayaan Kiara Advani, Anil Kapoor iyo Neetu Singh lana qorsheenayo in la daawado qeybaha dambe ee sanadkan.

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here