Xidiga la wada jecel yahay Varun Dhawan maanta waa maalintiisa madaama uu si rasmi ah u guursanayo gabadha uu tan iyo yaraantiisii jeclaa sidoo kalena wax isla soo barteen ee lagu magacaabo Natasha Dalal sida shaaca laga qaaday.

Advertisement

Varun iyo Natasha waxay ku sugan yihiin deegaan xeebeedka loo dalxiis tago ee  Alibaug lagu magacaabo kaba tirsan Mumbai waxaana halkaas kusii qul qulayaan martida goob joog u noqon doonaan arooskooda sida darteed Varun Dhawan ayaa sawir laga soo qaaday xili uu isku diyaarinayo guurka lamaantiisa Natasha waxaana sawirka sare kala soo muuqdeen saaxiibadiisa arooska la qaban qaabinayaan.

Varun Dhawan iyo qoyskiisa waxay deegaanka  Alibaug gaareen 22-kii bishan si ay martida kala duwan kaga sii hormaraan waxaana xaflada arooskooda kasoo qayb gali doonaan qaar ka mid ah jilaayaasha iyo filim sameeyayaasha Bollywood-ka ugu caansan gaar ahaan kuwa Varun aadka ugu dhow.

Sawirka Varun labiska dharka arooska wato waxaa kala soo muuqdeen naqshadeeyaha caanka ah Manish Malhotra iyo filim sameeye Kunal Kohli. Waana sawir muuqaalkiisa nadiif ahayn madaama la diiday in kaamirada muuqato iyo mida qarsoon la adeegsado, Mobiles xitaa lama ogolo waxaana la rabaa arooska Varun iyo Natasha inuu noqdo mid qaas ah oo aan bulshada caalamka lala wadaagin waxa ka dhici doono gudaha goobta arooska maanta ka dhacaayo.

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here