Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester United Donny van de Beek ayaa heshiis shaqsi ah la gaaray seddex kooxood.

Wargayska Manchester Evening News ayaa sheegaya in Van de Beek uu heshiis la gaaray saddex kooxood oo uu amaah ugu wareegayo.

Ninka reer Holland iyo Man Utd ayaa kala dooran doona Crystal Palace , koox aan la magacaabin oo Premier League ah iyo koox ajnabi ah oo aan la magacaabin ayaa sidoo kale ku jira xiisaha xidigan.

Dortmund iyo Newcastle ayaa la rumeysan yahay inay ka mid yihiin kooxaha kale ee xiiseynaya.

Laakiin Van de Beek wuxuu hadda shukaansadaa gabadha Dennis Bergkamp Estelle.

Bergkamp ayaa weli u dhow tababaraha Palace iyo saaxiibkii hore ee Arsenal Patrick Vieira, taasoo u jiidi karta inuu u dhaqaaqo Koonfurta London.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore


Source: dalkaan