Jilaaga Turkiga ee Uraz Kaygılaroğlu kuna caan baxay doorkiisa Gediz ee taxanaha Sefirin Kizi iyo atariishada Neslihan Atagul ayay daawadayaasha aad uga heleen is fahamka ka dhaxeeyay mudadii uu socday taxanahaas.

Uraz iyo Neslihan ayaana si fiican isula falgalay mudadii uu socday taxanaha ayadoona labada jilaa haatan midkoodna qeyb la aheyn, kadib markii ay isaga baxeyn.

Neslihan ayaa sababo caafimaad uga baxday halka Uraz doorkiisa Gediz uu dhamaaday, haatan oo aysan shaqo heynina waxaa loogu baaqayaa in mustaqbalka taxane ku midoobaan maadaama daawadayaasha aad uga heleen isla falgalkooda iyo is fahamkooda.

Hadaba akhristow ma jeclaan laheyd labadaan jilaa in taxane cusub la isugu keeno?

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here