UEFA ayaa go’aamisay in Tottenham Hotspur laga xayuubiyay kulankii Europa League ee ay la ciyaareen Rennes horaantii bishaan, taasoo la micno ah inay ka hareen tartanka.

Spurs ayaa lagu waday inay wajahdo Rennes kulankoodii ugu dambeeyay ee group-ka December 9, laakiin cudurka coronavirus ee kooxdooda ka dhex dilaacay ayaa ku qasbay in ciyaarta la joojiyo maalin ka hor ciyaarta.

Xeerarka UEFA ayaa dhigaya in kulamada guruubyada ee tartamada kooxuhu la soo gabagabeeyo 31ka December, Tottenham oo mashquul ku ahayd gudaha ayaa la macno ah in aan la helin taariikh dib loo ciyaari karo.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Maamulka Yurub ayaa hadda go’aamiyay in Spurs ay ciyaarta iska qasaarisay, taasoo keentay in 3-0 looga adkaado taasoo ka dhigeysa inay kaalinta seddexaad ku jiraan Group-kooda.

Spurs ayaa lagu xukumay inay ku dhaqaaqday fal ka soo horjeeda sharciga tartanka markii ciyaarta la joojiyay, iyadoo sharcigan uu dhigayo in kooxdu ay fuliso kulankeeda ilaa inta ay ka helayso 13 ciyaartoy oo uu ku jiro goolhaye.

“Waan ka niyad jabnay go’aanka guddiga racfaanka ee UEFA iyo diidmadii waqti dheeri ah oo ciyaarta dib loogu dhigay,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Spurs.

Go’aankan ayaa la macno ah in Rennes iyo kooxda reer Holland ee Vitesse ay ka soo baxeen Group G ee Europa Conference League iyada oo ay ka horeeyaan Spurs.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan