Wahbi Khazri ayaa qeybtii danbe ee ciyaarta laga badbaadiyay rigoore iyadoo Tunisia ay guuldaro 1-0 ah kala kulantay Mali kulanki furitaanka koobka qaramada Africa oo uu dhex dhexaad ka ahaa garsoore Janny Sikazwe.

Sikazwe ayaa ku abaal mariyay labada kooxood rigoore qeybtii labaad ee ciyaarta, waxaana uu ka saaray weeraryahanka Mali El Bilal Toure isagoo dhameeyay ciyaarta waqti hore kulan ka dhacay garoonka Stade Limbe.

Ciyaartan oo ay 1-0 ku badisay Mali ayaa laba jeer la joojiyey ka hor intii aanay gaadhin waqtiga dhamaadka. Garsooraha reer Zambia ee Janny Sikazwe ayaa ciyaarta joojiyey daqiiqaddii 85aad isaga oo yeedhiyey siidhiga dhamaadka. Ciyaartoyda iyo tababareyaasha iyo xataa dadkii ka daawanayay telefishanada iyo intii joogtay garoonka ayaa amakaaga qaaday.

Lama garanayo sababta Janny Sikazwe u joojiyey ciyaarta ee uu siidhiga dhamaadka u yeedhiyey, hase yeeshee waxay wada-hadleen garsooraha afraad, kaddibna dib ayaa loo bilaabay ciyaarta.

Arrin kale oo layaab leh ayaa haddana dhacday. Garsoore Janny Sikazwe  ayaa afuufay ama yeedhiyey siidhiga dhamaadka iyadoo ciyaartu marayso 89 daqiiqadood iyo 43 ilbidhiqsi, taas oo ka dhigan in xataa aanay dhamaanin 90kii daqiiqadood ee caadiga ahaa, iska dhaaf in lagu daro waqtigii lumay oo ugu yaraan laba daqiiqadood noqon lahaa.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Si kastaba oo ay ciyaartu ahaato waxa farxad u dabbaal-degay Mali oo guul ku fartay kulankooda  koowaad ee AFCON, waxaana saddexda dhibcood siiyey Ibrahima Kone oo rikoodhe u dhaliyey qaybtii hore.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan