Sida aan ka warqabno waxaa dhawaan lagu dhawaaqay in taxanaha gabadhii safiirka isaga baxday Neslihan Atagul kadib markii ay lasoo darseen xanuuno caafimaad, booskeedana lagu badalay Tuba Buyukustun oo door cusub ku matali doonto.

Hadaba codbixin dhanka baraha bulshada oo dadweynaha laga qaaday ayaa lagu weydiiyay atariishada kusoo baxeyso iney shaashada kala soo muuqato jilaaga Engin Akyurek.

Tuba ayaa horay Engin ugala soo muuqatay taxanihii guusha weyn gaaray ee Kara Para Ask, waxayna dadka aad uga heleen sida ay isku fahmayaan isuguna soo baxayaan, halka Neslihan ay Engin kala soo muuqatay taxana Sefirim Kizi.

inta badan dadkii cod bixinta ka qeyb qaatay ayaana waxay isku raaceen in Tuba tahay atariishada ay isku soo baxayaan Engin markii loo fiiriyo Neslihan waxayna dadka ka hadlayeen arimo dhowr ah oo ay ugu muhiimsanyihiin;

1-Is Fahamka labadooda ka dhaxeeyo oo sareeyo.
2-Da’da u dhaxeyso oo aad u badan maadaama Engin 10 sano kabadan ka weynyahay Neslihan halka Tuba ay da’ ahaan iska ag dhawyihiin.
3-Dhererka labadooda u dhaxeeyoo oo aad u badan, waayo Engin waa nin aad u dheer halka Neslihan gaabantahay, balse Tuba ay tahay atariisho dheer oo Engin shaashada la qeybsan karto.

Hadaba akhristow adiga ahaan sidee u aragtaa? Nesle iyo Tuba teebaa kusoo baxeyso Engin Akyurek?

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here