Atariishada Neslihan Atagul oo taxanaha gabadhii safiirka ku mataleysa doorka Nare ayaa si rasmi ah taxanaha uga baxday kadib xanuun dhanka caloosha oo ay in mudo ahba la daalaa dhaceysay.

Neslihan ayaana inbadan isku dayday iney xanuunka u adkeysato doorkeedana dhameysato balse wey awoodi weysay midaas, waxayna arinkaas keentay in gabi ahaanba taxanaha isaga baxdo nasiinana qaadato.

Advertisement

Hadaba atariishada Tuba Buyukustun ayaa la qorsheeyay iney noqoto atariishadii badali laheyd Neslihan, balse su’aasha waxay tahay doorkii Naare miyay sii wadi doontaa mise mid cusub ayay la imaan doontaa?

Sida la shaaciyayba Nare doorkeeda guud ahaan wuu soo dhamaaday shakhsiyadeedana dib dambe looma arki doono, Tuba waxay la imaan doontaa door cusub iyo shakhsiyad cusub.

Tani ayaa waxay ka dhigantahay in Sancar uu markale wax jeclaan doono inkastoo horay uu u jeclaa Nare, hadana markii ay ka tagto qalbigiisa waxaa la wareegi doonto doorka gabadha cusub ee ay Tuba mataleyso.

Tuba marnaba ma jili doonto shakhsiyadii Neslihan ee taxanaha balse mid cusub ayay la imaan doontaa.

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here