Trump oo baabi’iyay heshiiskii nabadda ee dalkiisu lagalay Taalibaan.

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu baab’iyay heshiiskii Nabada eel ala galay ururka Taalibaan ee ka dagaalama Dalka afganistaan.

Madaxweyne Trump ayaa qoraal uu kusoo qoray bartiisa twitter-ka waxaa uu ku sheegay in uu qorsheeyay in uu la kulmo Madaxweynaha Afganistaan Ashraf Gani iyo Saraakiil kale oo Taalibaan ka tirsan laakiin waxaa uu sheegay in uu kulankaas joojiyay kadib markii ay Taalibaan weerar ay dhawaan ka geysteen Kabuul ku dileen Askari Mareykan ah.

Istniintii lasoo dhaafay ayaa Zalmay Khalilzad oo xukuumadda Washington u qaabilsan wada jaaxoogka waxaa uu ku dhawaaaqay heshiiska nadda ee Taalibaan lala gaaray, kaasi oo uu ku jiray qodob mab da’ u ah Taalibaan.

Heshiisku waxaa uu ka dhashay wadahadalo Sagaal wareeg ahaa oo Mareykanka iyo Taalibaan ay ku yeesheen Magaaladda Dooxa ee dalka Qatar si ay usoo gaban gabeeyaan dagaalka 18ka sano ka socda Afganistaan.

Weerarka uu dartiis heshiiska u baabi’iyay Madaxweyne Trump waxaa uu dhacay khamiistii lasoo dhaafay.

Mana jiro war arrintaan ku saabsan oo weli kasoo baxay Ururka Taalibaan.

Source: dalkaan

Sports News
WARARKII