Steven Bergwijn ayaa dhaliyay labo gool oo cajiib ah waqtigii dhimashada iyadoo Tottenham ay 3-2 kaga badisay Leicester City.
Patson Daka ayaa kooxda Foxes hogaanka Daqiiqadii 24aad laakiin Harry Kane ayaa dhaliyay goolkiisii 250-aad ee naadigiisa xirfadiisa ciyaareed, isagoo dhameestiray kubad uu u jaray mid kamid ah daafacyada Leicester city Ciyaarta oo socota 38 daqiiqo.
James Maddison ayaa u muuqday in uu Antonio Conte u gacan galiyay guuldaradii ugu horaysay ee horyaalka heerka kowaad markii uu hogaanka u soo celiyay Leicester 14 daqiiqo markii ay ka harsanayd ciyaarta.
Bergwijn oo kasoo kacay kursiga keydka ayaa dhaliyay labo gool isagoo goolka hore Daqiiqadii 90+5aad halka goolkiisa labaad oo uu ka helay Kane uu dhaliyay Daqiiqadii 90+7aad ee ciyaarta kadib markii uu gool´hayaha Leicester city uu u jaray kubada ka hor inta uusan shabaqa dhex dhigin guud ahaan ciyaarta ayaa ku soo dhamatay 3-2.
kooxda Tottenham ayaa soo gashay kaalinta shanaad ee horyaalka iyadoo kala baxday Arsenal oo leh 35 dhibcood Spurs waxaa u harsan labo kulan oo dheeri ah.
Wararka Kale ee Xiisaha Badan
Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda
Source: dalkaan