Tottenham Hotspur ayaa ku dhow inay la soo wareegto garabka Wolves Adama Traore .

Spurs ayaa laga soo diiday dalab 15 milyan ginni ah oo ay ku doonaysay xiddiga heerka caalami ee dalka Spain todobaadkii hore.

Wolves ayaa dalbatay dalab dhan 25 milyan ginni.

Si kastaba ha ahaatee, Sky Sports ayaa sheegaysa in la filayo tanaasul, Traore uu u dhaqaaqi doono waqooyiga London heshiis ku kacaya 20 milyan ginni.

Tababarihii hore ee Tottenham Nuno Espirito Santo ayaa isku dayay saxiixa Traore xagaagii hore.

Xiisaha kooxdana isma bedelin inkastoo Antonio Conte uu haatan kooxda hogaamiyo.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore


Source: dalkaan