Tottenham Hotspur ayaa lagu soo waramayaa inay isku dayi karto inay seddex ciyaaryahan oo cusub kooxda keento suuqa Janaayo.

Antonio Conte ayaa sameeyay horumarkii ugu fiicnaa tan iyo markii uu xilka kala wareegay Nuno Espirito Santo , iyadoo Spurs ay lix dhibcood ka hooseyso kooxda kaalinta afaraad ee Arsenal oo ciyaartay seddex kulan ka yar.

Tababarihii hore ee Inter Milan iyo Chelsea ayaa la filayaa inuu kormeero isku shaandheyn weyn oo lagu sameeyo kooxda sanadka 2022,, Football.london ayaa sheegeysa in seddex boos oo gaar ah la bartilmaameedsan doono jiilaalka.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Warbixinta ayaa sheegeysa in Spurs ay marka hore higsan doonto inay dib ugu soo celiso garabka midig ee kooxda, iyadoo Matt Doherty la fasaxayo

Weeraryahan cusub oo dhinac ciyaara Harry Kane ayaa sidoo kale loo maleynayaa inuu ku jiro liiska, Lorenzo Insigne iyo Dusan Vlahovic ayaa labadoodaba lala xiriirinayaa Waqooyiga London.

Ugu dambeyntiina, Spurs ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa inay isha ku heyso daafac dhexe oo cusub suuqa Janaayo, waxaana lagu tiriyaa inay xiiseynayaan Matthijs de Ligt , Milan Skriniar iyo Stefan de Vrij .

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan