Tanguy Ndombele ayaa lagu soo waramayaa inuu qarka u saaran yahay inuu soo afjaro riyadiisii Tottenham Hotspur isagoo ku sii dhawaanaya u dhaqaaqista Paris Saint-Germain .

Laacibkii hore ee Lyon ayaan hal daqiiqo dheelin horyaalka Premier League tan iyo Boxing Day-ga, waxaana laga saaray shaxdii ugu dambeysay ee ay isku dhaceen Leicester City iyo Chelsea.

Ndombele ayaa ku guuldareystay inuu qanciyo Jose Mourinho , Nuno Espirito Santo iyo haatan Antonio Conte oo ku sugan Waqooyiga London, PSG ayaa la filayaa inay dhameystirto heshiis amaah ah 25-sano jirkaan bishaan, inkastoo ay jiraan warar sheegaya inuu macquul yahay inuu u wareego Valencia .

Sida laga soo xigtay The Telegraph,  Ndombele  wuxuu hadda ‘ qarka u saaran yahay’ inuu xirto ku laabashada dalkiisa iyo dib ula midoobida Mouricio Pochettino, laakiin weli waxaa jira tafaasiil yar yar oo lagu xamanayo.

Warbixintu waxa ay intaa ku dartay in Spurs ay doonayso waajib tahay inay iibsato ikhtiyaarka ay ku iibsan karto heshiiska, Lilywhites ayaa sidoo kale codsanaysa in dhammaan mushaharkiisa ay bixiso PSG inta lagu jiro amaahda ugu horreysa.

Ndombele waxa uu dhaliyay 10 gool iyo sagaal caawiye 91 kulan oo uu ciyaaray isaga oo xidhan shaadhka Tottenham tan iyo markii uu yimid 2019 waxana uu wali heshiis kula jiraa kooxda Conte ilaa 2025.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore


Source: dalkaan