Son Heung-min ayaa ka faa’idaystay qalad uu sameeyay Alisson isaga dhibic siiyay Tottenham kulan ay barbaro 2-2 ah la galeen Liverpool.

Spurs ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta waxaana u dhaliyay Harry Kane, kaasoo soo gabagabeeyay 788 daqiiqo oo uu ku jiray garoonka isagoo gool la’aan isagoo gurigooda laakiin Diogo Jota ayaa barbareeyay ka hor qeybta nasashada Daqiiqadii 35aad iyadoo lagu kala nastay 1-1.

Andy Robertson ayaa hogaanka u dhiibay Liverpool ka dib markii Spurs ay iska lumisay fursado fiican daqiiqadii 69 ee qeybta danbe ayuuna hogaanka u dhiibay.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Tottenham ayaa heshay goolka labaad kadib qalad uu sameeyay Alisson oo kubad ku soo baxay waxana ka faa’ideestay Son oo bidix ku dhaliyay goosha oo maran Daqiiqadii 74aad.

Robertson ayaa Liverpool laga siiyay Casaan markii uu qalad ku galay Emerson Royal kadib markii la eegay Var.

Spurs ayaa afar dhamaadka EFL Cup ku wajihi doonta West Ham arbacada ka hor kulanka Boxing Day ee Crystal Palace. Liverpool ayaa marti galin doonta kooxda Leicester City koobka bartamaha todobaadka ka hor inta ayna Leeds United booqan Anfield afar maalmood kadib.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan