Tababaraha kooxda Chelsea Thomas Tuchel ayaa soo jeediyay in Timo Werner uu ciyaari doono qeyb ka mid ah kulanka Arbacada EFL Cup ee ay la ciyaarayaan Tottenham Hotspur.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Jarmalka ayaa maqnaa tan iyo 11-kii Diseembar ka dib markii laga helay cudurka ‘coronavirus’, 25-sano jirku wuxuu qaatay waqti dheer uu Corona kaga soo kabsado

Si kastaba ha ahaatee, isagoo awooday inuu ku soo laabto tababarka maalmihii la soo dhaafay, Werner ayay u badan tahay inuu ka soo muuqdo afartii kulan ee ugu danbeysay ee ay kooxda ku xafiiltamaan London.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Isagoo ka hadlayay shir jaraa’id oo uu qabtay ka hor kulanka, Tuchel ayaa yiri: “Timo Werner shalay ayuu tababar qaatay, waxaan heysanaa hal tababar oo kale oo aan aadi karno, wuxuu dareemayaa wax badan, aad ayuu uga fiican yahay, taas oo ah wax wanaagsan.

Tuchel ayaa sidoo kale daaha ka qaaday in Andreas Christensen uu shaki ku jiro dhaawac ka soo gaaray dhabarka, halka Trevoh Chalobah uu dhaawac muruqa ah ku seegayo.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan