Thomas Tuchel ayaa si xun u weeraray garsoore Mike Dean ka dib markii Chelsea laga diiday rigoore kulankii ay barbaraha 1-1 la galeen Brighton.

Tababaraha Blues ayaa ku adkeystay in kooxdiisa ay u qalantay rigoore daqiiqadii 50-aad kadib markii Christian Pulisic uu qalad ku galay Joel Veltman.

Si kastaba ha ahaatee, Mike Dean ayaa qaatay go’an ah inuusan dhigin rigoore mana eegin VAR.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

“Waxay 100 boqolkiiba Boqol rigoore Qaladkii lagu galay Christian Pulisic,” Tuchel ayaa ku dooday.

Chelsea ayaa fursad u heysatay inay soo yareyso farqiga kala dhaxeeya Man City kuwaasi oo badiyay lakin waxay bar-baraha ku heleen inay galaan kaalinta labaad ee horyaalka.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan