Tababare Thomas Tuchel ayaa qirtay inuu ka niyad jabay qaab ciyaareedka weerarka kooxdiisa Chelsea intii lagu jiray guuldaradii 1-0 ee Sabtidii ka soo gaartay Manchester City .

Gool uu si cajiib ah u dhaliyay Kevin De Bruyne ayaa keentay guuldarada kooxdiisa ee garoonka Etihad Stadium, wuxuuna hogaanka Premier League ay city ku qabatay 13 dhibcood oo nadiif ah.

Inkasta oo Tuchel uu ku faraxsan yahay difaaca kooxdiisa, waxa aanu la dhacsanayn dadaalkooda saddexaad ee ugu dambeeya isagoo marqaati ka ahaa ciyaartoydiisa oo muujinaya degenaansho la’aan.

Isagoo la hadlaya Match Of The Day , Tuchel ayaa yidhi: “Marka la eego duruufaha jira, haddii aad eegto shantayada danbe iyo inta ciyaartoy ee aanu tabnay, waan ku faraxsanahay qaab ciyaareedka, difaac ahaan.

“Qeybtii labaad waxaan abuurnay fursado rogaal celis ah, waxaan helnay hal fursad oo weyn oo aan xitaa ku hormarno.

Kooxda Galbeedka London ka dhisan ayaa ku guuldareystay inay gool dhaliso labo jeer 25 kulan oo ay ciyaartay.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan