Tababaraha kooxda Chelsea Thomas Tuchel ayaa qirtay inuu ka xun yahay Romelu Lukaku iyo Hadalkiisa inuusan ku faraxsanayn Stamford Bridge.

Fiidnimadii Khamiista, waxaa soo baxday in weeraryahanka uu u sheegay Sky Sport Italia inuu ka careysan yahay xaaladdiisa haatan ee Chelsea , isagoo sheegay inuu hammi ku qabo inuu ku laabto Inter Milan mustaqbalka aan fogeyn.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa soo baxday in wareysiga uu dhacay dhowr toddobaad ka hor, markaas oo 28-sano jirku uu ka soo laabtay dhaawac isla markaana uu waqti ku qaatay kursiga keydka.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Isagoo la hadlayay saxafiyiinta shir jaraa’id, Tuchel wuxuu yiri: “Ma jecli, waxay keentaa buuq aynaan u baahnayn oo aan waxtar lahayn, dhinaca kale, ma rabno inaan sameyno wax badan oo ka baxsan kooxda. dhab ahaantii.

Lukaku ayaa tan iyo markii uu ku soo laabtay line-upka, isagoo dhaliyay gool mid kasta oo ka mid ah saddexdii kulan ee ugu dambeysay oo uu ku soo bilowday tan iyo 8dii December.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan