Tababaraha kooxda Chelsea Thomas Tuchel ayaa lagu soo waramayaa inuu bartilmaameedka sare ee suuqa January ucalaamadsaday xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Wolverhampton Wanderers ee Ruben Neves .

Blues ayaa laga yaabaa inay isku daydo inay xoojiso kooxdeeda marka uu dib u furmo suuqa bisha soo socota iyagoo isku dayaya inay dib ugu soo celiyaan tartankooda horyaalka.

Tuchel ayaa si gaar ah u doonaya inuu xoojiyo safkiisa khadka dhexe, isagoo arkay N’Golo Kante iyo Mateo Kovacic oo seegay qaybo badan oo xilli ciyaareedka ah iyo Saul Niguez oo ku dhibtooday inuu la qabsado Premier League intii uu amaah ku joogay.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Wargeysyada Isbaanishka ee Todofichajes ayaa sheeganaya in Tuchel uu Neves u calaamadeeyay saxiix ku habboon kooxda.

Si kastaba ha ahaatee, Wolves ayaa ka caga jiidaysa inay lumiso mid ka mid ah xiddigaheeda xilli ciyaareedka, waxaana lagu soo waramayaa inay kaliya tixgelin doonaan dalabyada ugu yaraan 45 milyan euro (£ 38.2m).

24-sano jirkaan, oo qandaraaskiisa Molineux uusan dhammaanayn ilaa 2024, ayaa sidoo kale lala xiriiriyay inuu u dhaqaaqo Manchester United , Liverpool iyo Real Madrid xilli ciyaareedkan.

Neves ayaa ciyaaray dhamaan kulamadii Wolves ee Premier League ilaa haatan xilli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay hal gool sidoo kale caawiye ka noqday hal gool.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan