Thomas Tuchel ayaa lagu soo waramayaa inuu ku wargaliyay madaxda Chelsea inay u dhaqaaqaan saxiixa ciyaaryahanka khadka dhexe ee Monaco Aurelien Tchouameni .

22-sano jirkaan saamigiisa ayaa sare u kacay 12-kii bilood ee la soo dhaafay, xiddiga reer France ayaa 30 kulan u saftay kooxda Monaco xilli ciyaareedkan sidoo kale waxa uu si joogto ah u heli jiray xulkiisa qaranka.

U wareegida koox weyn ayaa haatan loo arkaa mid lama huraan ah iyadoo kooxaha sida Chelsea iyo Real Madrid haatan loo arko inay yihiin kuwa ugu cadcad saxiixiisa.

Sida laga soo xigtay Marca , kooxda heysata horyaalka Yurub ayaa sameysay dadaalka ugu badan ee isku dayga wada xaajoodka shuruudaha ka dib markii uu ku amray Tuchel inuu sidaas sameeyo.

Warbixinta ayaa sheegaysa in xiriir lala sameeyay wakiilka ciyaaryahankan, kaasoo sidoo kale wakiil ka ah saaxiibkiisa diirada u saaran Chelsea iyo daafaca Sevilla Jules Kounde .

Monaco ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay dalbato in ka badan €80m (£66.5m) si ay ugala baxdo hantideeda ugu qaalisan, kaasoo qandaraas kula jira ilaa 2024.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore


Source: dalkaan