Tababaraha kooxda chelsea ee Thomas Tuchel ayaa lagu soo waramayaa in uu aad ugu baahan yahay in kooxdiisu ay samayso ugu yaraan hal saxiix oo cusub ka hor inta aanu xidh min suuqa kala iibsiga ciyaartoyda dhamaadka bishan.
Kooxdan ayaa lala xiriiriyaa dhowr daafac oo garbaha ka ciyaara, laakiin ilaa hadda uma aysan suuragelin inay kooxdooda ku soo kordhiyaan ciyaartoy cusub.
Chelsea ayaa awoodi wayday inay sii wadato loolanka horyaalka Premier League, iyadoo kooxda ay haatan 12 dhibcood ka hooseyso hogaamiyayaasha horyaalka ee Manchester City, iyagoo badiyay kaliya hal kulan todobadii kulan ee ugu danbeysay ee horyaalka England.
Sida laga soo xigtay Standard Evening , Tuchel wuxuu rabaa ugu yaraan hal saxiix oo cusub in uu sameeyo ka hor inta uusan suuqa jiilaalku xirmin .
Warbaahintanta ayaa sheegeysa in garabka bidix ee daafaca kooxdu uu weli yahay mudnaanta tababaraha kooxda, halka Ousmane Dembele uu bartilmaameed u yahay xilli uu dagaal afka ah kula jiro Barcelona .
Chelsea ayaa isku dayi doonta inay ku soo laabato wadada guusha ee Premier League marka ay axada Stamford Bridge ku soo dhaweeyaan kooxda Antonio Conte ee Tottenham Hotspur.
Wararka Kale ee Xiisaha Badan
Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda
Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore
Source: dalkaan