Daafaca dhexe ee kooxda chelsea Thiago Silva ayaa lagu soo waramayaa in uu ogolaaday heshiis cusub oo hal sano ah oo uu ku sii joogayo Stamford Bridge isaga oo Blues joogidoona ilaa 2023.

37-sano jirkaan ayaa khibrad aad u badan ku soo kordhiyay Blues markii uu yimid xagaagii 2020, waxaana uu sii ahaanayaa xubin muhiim ah oo ka tirsan kooxda Thomas Tuchel , isagoo dhaliyay labo gool 13 kulan oo Premier League ah xilli ciyaareedkan.

Qandaraaska Silva ee haatan uu kula jiro Chelsea ayaa lagu wadaa inuu dhaco dhamaadka xilli ciyaareedkan, lakiin heshiiska cusub ee la soo jeediyay ayaa dhigaya in daafaca uu kooxda sii joogo ilaa uu ka gaaro 40 sano.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Sida laga soo xigtay saxafiga Angelo Mangiant , shuruudaha u dhexeeya Silva iyo Chelsea ayaa hadda lagu heshiiyey ku dhawaaqis rasmi ah oo la filayo waqtigeeda.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Brazil ayaa u ciyaaray Chelsea 52 jeer, waxaana uu u dhaliyay afar gool tan iyo markii uu beeca xorta ah kaga soo biiray Paris Saint-Germain.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan