Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa xaqiijiyay in Thiago Alcantara uu ku soo laabtay garoomada tababarka kadib markii uu ka soo kabsaday cudurka Coronavirus.

Ciyaaryahankii hore ee Bayern Munich waa mid ka mid ah afar ciyaaryahan oo waaweyn – oo ay ku jiraan Virgil van Dijk , Fabinho iyo Curtis Jones – kuwaas oo laga helay COVID-19 toddobaadyadii la soo dhaafay.

Van Dijk, Fabinho iyo Jones ayaa dhamaantood ku soo laabtay tababarka ka hor Christmas-ka, Klopp ayaana haatan xaqiijiyay in Thiago uu raacay ka hor kulanka Talaadada ee Premier League ee Leicester City .

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

“Wiilasha ku maqqn COVID-19 waa ay soo noqdeen. Taasi waxay la macno tahay inay soo laabteen Fab, Virgil, Curtis iyo Thiago. shirka jaraa’id ayuu ku sheegay

“Waxaan haysanaa hal ciyaaryahan oo da’yar oo hadda go’doon ah iyo laba shaqaale ah.

Si kastaba ha ahaatee, Reds ayaa weli waxaa ka maqan afartii dhaawaca Nat Phillips , Divock Origi , Harvey Elliott iyo Adrian kulanka usbuuca.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan