Taxanaha Sefirin Kizi (Gabadhii Safiirka) ayaa waxaa dhawaan la badalay atariishadii hogaamineysay ee Neslihan Atagul sababo caafimaad owgeed waxaana booskeeda lagu buuxay atariishada weyn ee Tuba Buyukustun.

Sida wararka sheegayaan waxaa laga yaabaa in sidoo kalana magaca taxanaha la badalo maadaama shakhsiyadii gabadhii safiirka soo gabo gabowday.

Tuba ayaana taxanaha ku jili doonto magaca Mavi ayadoona shakhsiyad cusub lasoo bixi doonto sidoo kalana si doorkeeda loo balaariyo sheekada taxanaha ayaa waxbadan laga badali doonaa waxaana macquul in ah in sidoo kale magaca taxanaha la badalo.

Taxanaha oo Ratinkiisa aad u sareeyo ayaana lagu wadaa inuu sii socdo balse sheekada gabi ahaanba wax laga badalo si doorka Tuba loola jaanqaadsiiyo.

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here