Muqdisho (Caasimada)- Safiirka Somalia u fadhiya dalka Kenya Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan” oo saaxiib dhow la ah madaxweyne Farmaajo ayaa muuqaal tallo iyo tusaaleyn ah oo ku socotay mucaaradka iyo madaxweynaha mudo xileedkiisa dhamaaday si adag ula hadlay, isagoona labada dhinac ka codsaday in dalka iyo dadka loo turo wax walbana lagu dhameeyo wada hadal iyo tanaasul maadaama koox walba ay hami ka leeyihiin inay dalka hoggaamiyaan.

Tarsan ayaa si adag ula hadlay mucaaradka isagoona ku eedeeyay in aysan danta dalka iyo dadka u tureyn ee ay danahooda kaliya eeganayaan, wuxuuna carabka ku dhuftay in dalal shisheeye ay qorshaha siyaasadeed iyo xasilooni daro in dalka la geliyo ay doonayaan dalalkaasi oo uu tilmaamay in maslaxadooda ay ku jirto xasilooni darada Somalia.

Advertisement

Sidoo kale, Safiirka Somalia ee Kenya Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan” ayaa madaxweyne Farmaajo ugu baaqay inuu fiiriyo danta dalka, dalka iyo marxalada adag ee shacabka ku jiraan, dagaalna uusan xal u arag ee uu muujiyo tanaasul iyo wada hadal in wax walba lagu dhameeyo.

“Madaxweyne, waxaan ku leeyahay afartii sano waa dhamaatay, adigoo karaamo leh xilka ka tag, waqti baa haysataa adigoo sharaf leh waxaan kaa rajeynayaa berito, markaad baarlamaanta tagtid inaad iska dhiibto xilka, oo tiraahdo Soomaaliyeed waa soo shaqeeyay, waxaan rabay wadanka inaan dhiso, aragtideeda lahaa, laakiin dad baa i diiday, sidaas ayaa ugu tegay” ayuu yiri Tarsan oo haddii la isku dayo in ciidan la isu adeegsado sharaf xumo ay tahay.

Hadalka Tarsan oo aad u dheeraa ayaa waxaa micnahiisa uu kusoo koobay in tanaasulka uusan aheyn jab siyaasadeed, isagoona si adag ula taliyay Farmaajo in taariikhdiisa uusan kusoo gabagabeyn dagaal in xukunka lagu qabsado, isagoona tusaale usoo qaatay ra’iisul wasaarihii hore ee geeriyooday Nuur Cadde iyo C/qaasim Salaad oo si sharaf leh siyaasadda xusto.

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here